Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.

February 9, 2023 - Written by Editor

Boosaaso: 09 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa uu caawa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.
Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada.
Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –
1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
2. Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.
3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda.
4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.
5. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland.
6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.
7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.
8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.
9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online