Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray xarunta Agoonta Degmada Balanbal
February 14, 2023 - Written by EditorMadaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray xarunta Agoonta Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.
Xaruntaan oo lagu dhisay isku tashi bulsho ayaa loogu tala galay in lagu baxnaaniyo waxna lagu baro agoonta degmada Balanbal iyo deegaanada hoos yimaada.
Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan degmada balanbal ku amaanay sida ay isugu xilqaameen Dhismaha xarunta danyarta & agoonta ee Degmada Balanbal.
—-Dhamaad—