Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

February 19, 2023 - Written by Editor

Addis-ababa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenyain Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online