Madaxweynaha Jubaland oo tababar u soo xiray dufcada 6aad ee Ciidamada Booliska Jubaland

February 4, 2023 - Written by Editor

Kismaayo:-Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islama ayaa sheegay in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Ciidamadan ay ka howlgali doonan dhammaan deeganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah isla markana ay kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga Ciidamada qalabka Sida.

——Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online