Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gardafuu.

February 15, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu ayaa dhagax dhiggay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka, isla markaana xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka ee Gobolka Gardafuu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha Hay’adaha Dowladda iyo xarumaha Bulshada ee Degmada Caluula, sida Xarunta Gobolka, Xarunta Degmada, Isbitaalka Guud iyo magaaladi hore ee qadiimiga ahayd ee badu kusoo fiday, wuxuuna warbixino ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee ku shaqo leh xarumaha uu kormeeray.

Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siinaysa sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha gaarka ah ee ka jira Gobolka Gardafuu, sida dhismaha Wadada Gobolka iyo guud ahaan ka shaqeynta horumarka Gobolka dhinac kasta.

——DHAMMAAD—–

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online