Puntland oo soo dhaweysay Warmurtiyeedii ay soo saareen Isimada SSC

February 6, 2023 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaam Karaash oo ku hadlaya Magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo wax garadka kale ee deegaanada SSC.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay.

Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.

Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas”.

=====DHAMMAAD=====

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online