๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟaha JFS o๐ผ ๐น๐ฎ ๐ธ๐๐น๐บ๐ฎ๐ ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ ๐๐ต๐ถ๐๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฒ๐ธ๐ฒ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ
February 1, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Raโiisul Wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha Dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay Guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Mudane Xamse waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay si gaar ah u dhiirigelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.
—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale