Madaxweynaha JFS oo la kulmay Issimada Gobollada Sool iyo Sanaag

June 7, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online