Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

June 10, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

—-DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online