Madaxweynaha DFS oo bogaadiyay Maamul gobaleedyada soo xulay xubnaha Aqalka Sare

October 9, 2016 - Written by Editor

xasan16Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku bogaadiyay dowlad goboleedyada Puntland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, tallaabada ay ku soo gudbiyeen liisaska musharixiinta Aqalka Sare ee doorashada 2016-ka.

“Sidaan horay u sheegay waxaa mar walba madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka go’an inay fududeeyaan qabsoomidda doprashooyinka 2916-ka. Waxaa tallabadan ay qaadeen madaxda dowlad goboleedyada ee ay ku soo gudbiyeen liiska musharixiinta Aqalka Sare ay dhiirigelinaysaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagaley’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay soo gudbinta liisaska ka sokow loo baahan yahay in la dhaqan-geliyo qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon ay ku leeyihiin labada aqal.

“Waxaan baarlamaanada sharafta leh ee dowlad goboleedyada ka codsanayaa in marka ay u codeynayaan xubnahan ay tixgeliyaan in la helo qoondada haweenka ay ku leeyihiin Aqalka Sare. Waxaan qof walba xusuusinayaa in qoondada haweenka ay ku timid go’aan siyaasadeed oo heer qaran ah , ayna tahay in sidii loogu talagaley loo fuliyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federaal inay dar-dargeliyaan hawlaha lagu xaqiijinayo doorashada 2016, isagoo dhanka kalena ugu baaqey hay’adaha kale duwan ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay hawlaha doorashada si hufan uga qaataan kaalinta kaga aaddan.

——————————-DHAMMAAD—————————-

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online