Ciidanka Amaanka ee Boosaaso oo Fashiliyey qarax ay soo maleegeen dhagax qabayaasha
September 18, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee gobalka bari ay fashiliyeen qarax khasaaro badan geysan lahaa kaas oo la dhigay goob laga raaco gawaarida Pl-ka oo inta badan dadweynuhu isticmaalaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ay shacabka ku wargaliyeen qaraxa oo lagu soo qariyey fuusto ,Ciidanka amaanka ayaa xiray goobta waxaana qarxiyey miinada ciidanka qaabilsan Miino baarista .
Ciidanka Amaanka ayaa in mudo ah xayiray isku socodka gawaarida iyo dadweynaha waxayna baaritaano ku suubiyeen meheradaha iyo guryaha u dhow halka qaraxa la dhigay waxaana ay sidoo kale baarayeen Gawaarida u kala goosheysa gudha magaalada Boosaaso.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska ee gobalka Bari ayaa sheegay in ay ka hortageen qarax khasaaro badan u geysan lahaa shacabka kaas oo ay soo maleegeen dhagax qabayaasha Al-Shabaab oo dhiiga shacabka Soomaaliyeed xalaaleystay.
Ciidanka amaanka magalada Boosaaso ayaa caawa howlgalo ka wada qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso iyaga oo ku daba jira dhagax qabayaasha dhigay miinada dhigay.
M_M Deeq
Halgan.net