Koonfur Galbeed oo ku biirtay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka
September 19, 2017 - Written by EditorBaydhabo:-War Saxaafadeed la sheegay in uu ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, kuna qornaa Luuqada English-ka ayaa lagu taageeraday go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha Khaliijka ay xayiraada ugu soo rogeen Dowladda Qatar. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri ” Dowladda Koonfur Galbeed waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go’aankii ay qaateen Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar.”
Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa waxa horay u taageeray dowladda Puntland ,Sland iyo Hirshabeelle waxaan hadda ku soo biiray maamulka Koonfur Galbeed waxaan la saadaalinayaa in ay maamulka Gal-mudug ku soo biiraan taageerida Sacuudiga iyo Imaaraadka oo lagu go’doominayo dalka Qatar.
Hoos ka eeg warsaxaafadeedka ay Koonfur Galbeed oo ugu biirtay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka
no images were found
A/cawaale
Halgan.net