Gal-Mudug waxba kama Jiraan in Maxkamada la saaray ninkii u gafay Nebigeena Muhammed NNK.[Dhagayso]
September 20, 2017 - Written by EditorCadaado:-Maamulka Gal-Mudug ayaa beeniyey Maxkamada ku taal Gaalkacayo oo sheegtay in ay saartay nin lagu magacaabo Sh.Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo gaf iyo Xadgudub u geystay Nebigeenii Muhamed NNKH Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Maamulka Gal-Mudug Mahad Xassan Maxamed ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan Maxkamada isagoo Sheegay in si sifo sharci ah aan loo marin waxaan uu wasiirku shegay in laamaha amaanka ay soo qabtaan ka dibna Maxkamada la keeno.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Maamulka Gal-Mudug Mahad Xassan Maxamed oo waraysi siiyey Hobyomedia ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in qof danbiile ah oo u gafay Nebigeenii Muhamed NNKH oo laga hayo Maqal iyo Muuqaal uu is been fariimo dadka qaar koodna ay taageero u muujiyaan.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Maamulka Gal-Mudug Mahad Xassan Maxamed ayaa mar kale ku celiyey in laamaha amniga maamulka Gal-Mudug ay soo qabtaan ninkaas danbiilaha ah ka dibna la sugo wax maxkamadu ay ku xukunto.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Hobyomedia la yeelatay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Maamulka Gal-Mudug
[audio: http://hobyomedia.com/wp-content/uploads/2017/09/Wasiirku-Xigeenka-Amniga-Galmudug-Mahad-Xassan-Maxamed_2.mp3]A/cawaale
Halgan.net