Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka Socda UNSOM iyo IGAD.

October 5, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula Qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi.

“Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yaraynlahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya”.

“Waxaa kale oo Dowladdu si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaadhsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad.”Ayuu yiri Wasiir Xaange

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in isbuucii hore Garoowe soo gaadheen wefti balaadhan oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Dowladdu u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dar-dargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loohelay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), Wasiirka Dekedaha iyo Khayraadka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran)

no images were found

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online