Madaxweynayaashii hore ee DFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo (Masawiro)
October 10, 2019 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubaland si ay uga qeyb galaan caleema saarka Ahmed Maxamed Islaan ( Ahmed Madoobe).
Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa Madaxweynihii hore ee DFS Sheekh Shariif Sh Ahmed ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Ahmed Maxamed Islaan waxaana socdaalka Madaxweyne Shariif ku weheliyey Cabdiraxmaan CabdiShakuur.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.
Dhanka kale waxaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Wafdiga Madaxweynaha Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.
no images were found
Cabdi Yare
Kismaayo
Halgan.net