Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno:
October 21, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Wuxuu xeeriyey:
Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin:
B. Wasiiru-Dowleyaal:
1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
T. Wasiir Ku-xigeeno :
1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.
Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND