Shir oo looga hadlayey masuuliyadaha Daryeelka Bulshadoo ka dhacay Gaalkacyo
March 2, 2020 - Written by EditorGaalkacyo :- Shirkaas waxaa ka soo qeybgalay Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Waaxda Daryeelka Bulshada (IDPs and Refugee ) Puntland , Hay’adda UNHCR iyo Gudiga qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool magaalada Gaalkacyo .
Inta uu socday Shirka waxaa lagu qeexay qaabka iyo Masuuliyadaha ay ku shaqeynayaan Gudigaas doorashada ku yimid .
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta sare ee Hay’adda UNHCR Puntland . Shirkaas wuxuu ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan .
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA