Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta Dawladda Puntland oo kulmay
March 9, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Caasimada Dawladda Puntland ee garoowe waxaa kulan ku yeeshay madaxda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta Dawladda Puntland.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cali Xasan Axmed (Sabaray) Wasiirku- xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Cumar Xassan Fiqi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Faysal Cabdulaahi Warsame, Agaasime guud ku xigeenka dakhliga Abshir Maxamed abshire iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda
Wasiirku- xigeenka Maaliyadda iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa kawada hadlay sidii loo dardar galin lahaa Cashuurta ku waajibay Shirkadaha Isgaarsiinta ka hawl gala Puntland.
Madaxda labada Wasaaradood ayaa ku balamay in kulan loo qabto Madaxda shirkadaha isgaarisiinta kaasi oo dhowaan ka dhici doona magaalada Garoowe.
Xaafiiska Warfaafinta ee W. Maaliyada