Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in qof jooga Muqdisho laga helay Coronavirus
March 16, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey ee qaba Caabuqa Coronavirus laga helay uu ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaac ka qaaday in qofka qaba Caabuqa Coronavirus laga helay uu ka yimid dalka dibadiisa xaaladiisana lala tacaalayo .
Wasiirka caafimaadka DFS Drs Fowsiya ayaa ka gaabsatay in ay sheegto dalka uu ka yimid ruuxa laga helay Caabuqa Coronavirus balse waxay sheegtay in uu ka mid ahaa 4 qof oo dalka dib ugu soo laabtay oo la karantiilay .
Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuurr ayaa sheegtay in ruuxa laga helay Caabuqa Coronavirus ay xaaladiisa wanaagsan tahay dhaqaatiirtana ay la tacaalayaan .
Hoos ka Daawo Shirka Jaraa,id ee Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuu
A/Cawale
Halgan.net