Puntland oo ka soo horjeesatay hadalkii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka
March 22, 2020 - Written by EditorMadaxweynaha dowlad Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo qoraal kooban ka soo saaray, shirkii Jaraa,id ay qabatay Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) .
Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka oo maanta Warbaahinta la hadashay, ayaa labada Aqal ee Baarlamanka ee DFS ka dalbatay, in ay de-dejiyaan meel-marinta dib u-eegista Sharciga xisbiyada dalka.
Madaxweynaha Puntland Saciid Claahi Deni ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) mid la rabo in lagu fashiliyo shirka Garoowe .
Madaxweyne Deni “Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”.
—Dhamaad—