Taliyihii Ciidanka Booliska Afgooye oo la Dilay
March 22, 2020 - Written by EditorWararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.
Goob joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qarax lala beegsaday.
Goobjoogayaasha ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxaasi uu ka dhashaya miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo ka dhacay jidka isku xira Afgooye iyo Muqdishu.
Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyinka ku aasa deegaankaas, isla markaana sheegta mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.
Taliyaha la dilay Dhamme Cabdulqaadir Cusmaan Mursal Nuunow ayaa in muddo ah soo hoggaaminayey ciidamada booliiska ee magaalada Afgooye.
VOA Somalia
Halgan.net