Ciidanka Amniga Puntland [PSF]oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish
March 23, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa qoraal fariimeed ay ku daabaceen barta ay ku leeyihiin baraha bulshada waxaa ay ku sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixisadu ay doonayaa in ay ku beegsadaan dadka haldoorka u ah bulshada.
Ciidanka amniga Puntland PSF ayaa xalay ka fuliyey howl gal ay ku soo qabteen xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish ka dib dilal dad shacab ah loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Ciidanka amniga Puntland PSF ayaan weli saxaafadda la wadaagin xubnaha ay gacanta ku soo dhigeen ee lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net