๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ณ๐ฑ๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฑ๐ฑ๐๐๐ป๐ธ๐ฎ
February 5, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.
Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faaโiideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.
Waxaa Raโiisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.
Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.
Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo.
——Dhamaad—–