Madaxweynaha Galmudug oo heshiis la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ee QM.

February 11, 2023 - Written by Editor

Dhuusamareeb:Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta heshiis dhul loogu asteeyay Xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.

—-Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online