Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gardafuu.
February 15, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu ayaa dhagax dhiggay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka, isla markaana xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka ee Gobolka Gardafuu.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha Hay’adaha Dowladda iyo xarumaha Bulshada ee Degmada Caluula, sida Xarunta Gobolka, Xarunta Degmada, Isbitaalka Guud iyo magaaladi hore ee qadiimiga ahayd ee badu kusoo fiday, wuxuuna warbixino ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee ku shaqo leh xarumaha uu kormeeray.
Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siinaysa sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha gaarka ah ee ka jira Gobolka Gardafuu, sida dhismaha Wadada Gobolka iyo guud ahaan ka shaqeynta horumarka Gobolka dhinac kasta.
——DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.