Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagay deegaanka Garduush.
February 18, 2023 - Written by EditorXaafuun:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa booqasho ku tegay deegaanka Garduush oo ka tirsan Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee deegaanka isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Bulshada deegaanka, wuxuuna dadka deegaanka ku booriyay ka shaqeynta nabadda iyo in ay doorkooda ka qaataan horumarka ka socda deegaanka iyo guud ahaan Degmada Xaafuun.
—–DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.