Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo
October 1, 2012 - Written byBaydhabo:-Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa saaka la filayaa in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin safarka uu Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay ku aadeen magaalada Baydhabo balse waxaa la filayaa in ay kulamo gaar ah la yeelan doonaa Odayaasha dhaqan ee Bay iyo Bakool iyo Saraakiisha ciidanka AMISOM.
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa saaka waxaa lagu arkayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo ciidamo soomaali ah oo sugaya amaanka, socdaalka uu madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay saaka ku aadeen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay noqonaysaa safarkii ugu horeeyey ilaa intii xilalka loo egmaday.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya Soomaali waxaan magaalada ka baxay ciidankii Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey magaalada, Baydhabo ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan ciidamo ka socda Burundi iyo Ugandha.
A/cawaale
Halgan.net