Puntlland oo eedeyn u soo jeedisay Idaacadda VOA-da.[War-saxaafadeed]
October 3, 2012 - Written byGaroowe:-Hey’adaha warbaahinta iyo wariyeyaashooduba waxaa muhiim ah inay kala saaraan aragtidooda gaarka ah iyo warka ay tabinayaan (editorial policy).Sida aad ka warqabtaan, deeganada Dowladda Puntland waxaa si xor ah uga howlgala saxaafad madaxbanaan oo gaar loo leeyahay, kuwasoo ka kooban TV, idaacado, Jaraa’id, iyo website-yo. Dhinaca kale, waxaa dhammaan gobolladda Puntland laga dhagaystaa idaacadaha caalamiga ah Qebyta Af-Soomaaliga ee BBC iyo VOA, iyadoo ay u soo gudbiyaan gudaha magaalooyinka Puntland idaacadaha FM-ta oo gaarka loo leeyahay.
Dowladda Puntland waxay mas’uuliyad Qaran ka saarantahay dhowrida Dastuurka dowlladda Puntland iyo ilaalinta danaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dadka iyo dalka Puntland, taasoo ay ku jirto in saxaafaddu si xor ah u howlgasho iyagoo dhowrayaa shuruucda dalka. Hadaba, Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Puntland waxay si toos ah isha ugu haysaa saxaafada qaarkeed oo caadaysatay inay ciladeeyaan horu marka Puntland, kuwa soo shacabka Puntland u gudbiya warar ku salaysan been abuur, kicin bulsho iyo abuurida jawi lagu carqaladeynayo horumarka Puntland.
Halkaan ka eeg Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta dowllada Puntlland
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,
Hidaha iyo Dhaqanka,Dowladda Puntland
Soomaaliya,Halgan.net