Afhayeenka Al-shabaab oo shir jaraa’id uu qabtay uga hadlay qabsashadii Kismaayo
October 3, 2012 - Written byAfhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere oo xalay shir jaraaid qabtay ayaa waxaa uu markii ugu horaysay ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo iyo ciidanka magaalada qabsaday , Sh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in mudo dhowr sanno ah ay ciidanka al-shabaab ay hortaagnaayeen ciidanka Kenya iyo ciidamada la socda ee Soomaalida ah balse weerar ay ciiidamadaas ku soo qaadeen maalmihii danbe magaalada Kismaayo oo iskugu jira cir , bad iyo dhul ah ay sababtay in ay ka baxaan magaalada si buu yiri khasaaro xooggan loo gaarsiiyo ciidanka Kenya.
Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Sh. Cali dheere ayaa waxaa uu ku goodiyey in ciidanka Al-shabaab ay wadi doonaa dagaalka ay kula jiraan ciidanka dalka Kenya iyo ciidamada soomaalida ah ee la socda, Sh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku xusay in magaalada Kismaayo ay xeelada uga baxeen balse waxaa ku goodiyey in ciidanka Kenya ay ku jabi doonaa dagaalka.
Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere waxaa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool Gobollada Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo in ay dagaal la galaan ciidanka Kenya isagoo sheegay in ciidanka dalka Kenya ay u socdaan
kheyraadka dalkooda.
A/cawaale
Halgan.net