Maxkamada derajada 1aad ee magaalada Garowe oo dil ku xukuntay muwaadin Yemeni ah
October 23, 2012 - Written byGarowe:-Maxkamada derajada 1aad ee magaalada Garowe ayaa maanta waxay dil toogasho ah ku xukuntay muwaadin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyey in uu hub sharci daro ah soo galiyey deegaanada Puntland waxaana lagu qabtay isaga iyo dooni hub ah xeebta degmada Xaabo ee gobolka Bari
Eedeysanahan dilka lagu xukumay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saalax Camuudi waana 40 jir qiyaastii .Maxkamada ayaa dhageysatay dacwada ka dhanka ah ninka Yemeniga ah waxayna ku eedeysay in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-Qacida uuna hubka u waday kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa buuralayda Golis .
Hubka ay qabteen ciidamada Puntland ayaa waxaa uu ka koobnaa bastoolado, baasukayaal ,Rumuudka loo adeegsado qaraxyada iyo waxyaabaha laga sameeyo miinooyinka dhulka lagu aaso .
Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland C/kariin Xasan Firdhiye ayaa inta aan xukunka lagu ridin Saalax Camuudi waxaa uu goobta ka akhriyey danbiga lagu heysto Saalax Camuudi waxaana markii danbe xukunka dilka ah ku dhawaaqay Axmed Cabdi Bootaan Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada Puntland
Sarkaal ka tirsan ciidanka PIS oo ku sugnaa maxkamada ayaa soo bandhigay qaabka ay u qabteen Saalax Cafiif iyo doontiisa wuxuuna sheegay in ay soo wargaliyeen dadweynaha ku dhaqan degmada Xaabo ee gobolka Bari .
Todobaadkii hore ayaa Ciidanka Badda ee dowladda Puntland oo gacan ka hellay dadweynaha ku dhaqan degmada Qardala ayaa waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo iskugu jira lidka Taangiyada iyo miinooyinka meelaha fog fog laga qarxiyo.
Ciidanka Booliska Badda ee dowladda Puntlland ayaa markii lagu soo wargeliyey in rag ajnabi ah ay degmada Qardala ku yimaadeen doon ka dibna ay dadweynuhu ay ka shakiyeen Halkan ka akhriso kana daawo Hubkii ay soo qabteen ciidamada Badda ee Puntland
M_M Deeq
Halgan.net