Madxaweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse iyo ciidamo la socda oo gaaray Qardho

October 15, 2011 - Written by

Qardho:-Waxaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Madxaweynihii hore ee dowllada Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor Cadde Muuse  iyo ciidamo la socda ,Gen Cadde Muuse ayaa shalay si deg deg ah uga soo ambabaxay magaalada Boosaaso isagoo ay la socdaan cutub ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee Puntlland.

Madxaweynihii hore ee dowllada Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa kale oo socdaalkiisa ku weheliyey , Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Shidaalka dowllada Puntland Ciise Maxamuud Dhoolawaa ,waxgarad , culimo iyo aqoon yahano ka soo raacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madxaweynihii hore ee dowllada Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa looga fadhiyaa  in uu wax ka qabto dabley hubeysan oo  shalay aano qabiil  ku dilay ilaa 5 qof oo ay isku hayb yihin taliyihii saldhiga magaalada Qardho oo lagu magacaabi jiray Muse Dhuqub oo koox burcad ah ku laayey  jid gooyo ay dhigteen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.

Dhinaca kale Ciidamo uu horkacayo Wasiirka amniga dowllada Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa iyagana la filayaa in maanta soo gaaro magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaan ay kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo odayaasha magaalada Qardho iyadoo laga arrinsan doono siddii loo soo gacan gelin lahaa dhalinyaro shalay dil ugu geystay ilaa 5 qof magaalad Qardho kuwaas oo la hayb garanayo.

Culimo,udiinka ku sugan magaalada Qardho iyo Odayaasha iyo waxgaradka ayaa ku jira dadaal xooggan oo ay ku xakamay nayaan in dhibaato kale dhacdo iyagoo arrinkaas ilaa xad lagu guulaystay, Isimada iyo culimada ku nool Puntlland ayaa iyagu ah kuwa inta badan ka taliya samaha haddii ay colaad dhacdana u guntada in ay beelaha dagaalama ay nabadeeyaan.


M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online