Boqor Burhaan Boqor Muuse oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garowe.[Masawiro]
December 24, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Isimada Puntland waxaana socdaalkiisa ku weheliya cuqaad,yo nabadoono caan ka ah gobalka Karkaar.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe waxaa soo dhaweeyey Isimo,qaar ka mid ah Musharaxiinta,iyo waxgarad iyo maamulka gobalka Nugaal.
no images were found
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa uu ku biiri doonaa Isimida Puntland ee haatan ku sugan Garoowe kuwaas oo marjac u ah Puntland waxaana ay haatan ku mashquulsan yihiin sidii ay xal u dhexdhigi lahaaayeen Madaxwey naha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo Mushharaxiinta Puntland kuwaas oo isku khilaafsan gudiga soo xalinta Khilaafaadka .
M_M Deeq
Halgan.net