Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada degmada Yaaqshiid
May 1, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo baaritaano ah ka bilaabay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir waxaana howlgalada lagu soo qabtay dad tiro badan kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Degmada Yaaqshiid .
Dadweynaha ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ayaa saaka ku waabariistay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa DFS iyo kuwa AMISOM oo xiray isku socodka Isgeyska Degmada Yaaqshiid iyo xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada.
Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaan ilaa haatan ka hadli howlgalada ka socda Degmada Yaaqshiid kuwaas oo lagu qabtay dhalinyaro aad u tiro badan waxaana howlgalada aan loo meeldayin ka sheegtay shacabka ku dhaqan Degmooyinka magaalada Muqdisho iyaga oo ku eedeeyey ciidanka DFS in ay lacago madax furasho ah ka qaataan dadka ay soo xiraan.
Howlgalada saaka ay ka wadaan Degmada Yaaqshiid ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay saameyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha ,ardayda u socday iskuulada iyo ganacsiga.
Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in howlgalada ka socda Degmada Yaaqshiid ay qeyb ka yihiin sugida amaanka magaalada Muqdisho .
A/Cawale
Halgan.net