Suldaanka dalka Brunei oo ku dhawaaqay in dalkiisa lagu dhaqayo Shareecada Islaamka (Daawo)

May 1, 2014 - Written by Editor

BruneiBrunei :-Suldaanka dalka Brunei ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah 01-da May laga dhaqan galin doono dalka Brunei ku dhaqanka Shareecada Islaamka ,Suldaanka dalka Brunei Xaaji Xassan Bolkiah ayaa shalay soo saaray wareegto lagu amrayo dhamaan Maxaakimta dalka in la fuliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Baaqa uu soo saaray Suldaanka Jaziirada  Brunei Xaaji Xasan Bolkiah ayaa ah mid geesinimo leh hadii uu ka dhabeeyo wuxuuna noqadanaa dowladii ugu horeysay ee si rasmi ah ugu dhawaaqda ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Wareegtada ka soo baxday dowlada Brunei ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in xuduuda lagu fulin doono tuugada wax xada iyo kuwa ku dhaca Zinada .Dowlada Brunei ayaa sanadkii hore ku dhawaaqay ku dhaqanka shareecada Islaamka balse waxaa dib loo dhigay ilaa sanadkan aan haatan ku jirno.

boqorDowlada Brunei ayaa sidoo xuduud ku fulin doonta kuwa qamriga caba iyo Dadweynaha aan soo xaadirin Salaadaha Jamaacada iyo Jimcaha.Suldaanka Brunei Xaaji Xasan Bolkiah ayaa ka digay dacaayadaha lagu baahinayo baraha Internet-ka, kuwaa soo lagu suuro xumeynayo diinta Islaamka iyo Shareecada qiimaha badan.

Shacabka degan dalka Brunei ayaa waxaa degan 80% dad Muslimiin ah waxaana sidoo kale la degan dad aan heysan diinta Islaamka waxaana lagu qiyaasaa ilaa 15%

Halkan ka Akhriso Al-Jazeera oo wax ka qortay ku dhaqanka Shareecada Islaamka dalka Brunei

Halkan ka Daawo Barnaamij ay Al-Jazeera ka Diyaarisay Jaziirada Brunei

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online