Socdaalkii uu Sh Umal ku tegay xarunta Dowladda degaana Soomaaliyeed ee Itoobiya.[Masawiro]
May 7, 2014 - Written by EditorJigjiga:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada ugu waawayn geeska Africa ayaa dhawaanahanba ku sugnaa deegaanka somalida Ethiopia ee jigjiga iyo gobollada kale ee deeganku ka kooban yahay Sheekhu wuxuu ka soodagay garoonka diyaaradaha addis ababa habeen axada taariikhduna kubegneyd 16-03-2014 wuxuuna isla subaxii u soo gudbay magaalada jigjiga 16-03-2014 waxa halkaa ku soo dhaweeyey madax aad u farabadan kuwaaso isugujira madaxda dawladda iyo madaxda hay,adaha ka hawlgala deegaanka somalida Ethiopia.
Waxaa sidoo kale halkaas sheekha kusoodhaweeyey dadwayne aad ufarabadan kuwasoo u taagnaa si safbalaadhan ah inta u dhexeysa garoonka diyaradaha ee magalada jigjiga iyo wiilwaal airport sheekhu wuxuu halkaa kulamo kala duwan kula yeshey madaxdii soo dhawayneysey iyado kulamadaas ka dib loo soo gudbiyey dhanka magaalda jigjiga lana dajiyey hotelka Nogob ee magaalada jigjiga halkas wuxuu kulamo kala duwan sidoo kale kula yeeshey qaarka mid ah madaxda deeganka iyo wax garadka deegaanka iyo culumo fara badan.
Sheekhu wuxuu si toos ah u bilaabay hawlihii uu yimid ee dacwadeed 18-03-2014 habeen Talaada salada maqrib kadib, isaga oo ka bilaabay muxaadaradii ugu horaysay masaajidka jamaca ah ee ku yaalla bartamaha magaalada jigjiga . Waxaa aad usoo buux dhaafiyey masaajidka dadwayne aad u farabadan kuwaas oo aan u kala hadhin dhagaysiga muxaadarada sheekha waxayna isugu jireen rag iyo dumar caruur iyo ciroole iyo cidwalba oo dhagaheedu maqleen waxaa jooga sheikh umal.
Waxaa aad loo buuxdhaafiyey gudaha masjidka iyo barxadaha waawayn ee masaajidku leeyahay sidoo kale waxaa la xidhey wadada wayn ee ku dhow masaajidka iyadoo aad arkeyso dadwayne aad u farabadan oo buux dhaafiyey wadada wayn ee laamiga iyo dhamaan wadooyinka soo gala masaajidka.
Sheekhu wuxuu sijoogta ah mudo isbuuca ugu qabanayay muxaadarooyin kala duwan gaadhayayna 11muxaadaro oo uu kuqabtay caasimadda deegaanka somalida Ethiopia jigjiga iyadoo dadka reer jigjiga aysan u kala hadhin ka faa,iideysiga sheekha muxaadarooyin kiisa intii uu kusugnaa xarunta deegaanka somalida Ethiopia jigjiga dadweynaha la socday muxaadaradka Sheekh umal kana ,fa,iideystey waxaa ay iskugu jireen madax iyo shacab.
Isbuuc kaamil ah oo sheekhu uu kusugnaa xarunta jigjiga wuxuu u sii gudbey gobalada kale ee kala ah Jarar ,Qoraxay ,Doollo isagoo hadda dib ugu soo laabtay caasimada jigjiga 28-04-2014
Sheekhu wuxuu tagay gobolka Jarar 28-03-2014 waxaana siwayn usoodhaweeyey shacabka gobalka Jarar isaga iyo wafti baladhan oo uu hogaminayay isuguna jira madax kala duwan wuxuuna halkaa ku qabtay muxaadarooyin kala duwan masaajidka wayn ee jamaca magalada Jarar wuxuuna joogay mudo dhan labo maalmood isagoo halka kula yeeshey kulamo kala duwan waxgaradka gobalka Jarar.
30-03-2014 wuxuu u sii gudbey sheekha iyo waftigii lasocdeyba gobolka Qoraxay halkaso si aad u balaadhan loogu sooo dhaweeyey wuxuuna ku sugnaa sheekhu magalada Qabdahar afar maalmood isagoo ku qabtay halka muxaadarooyin kaladuwan labada masaajid ee kala ah Masjidka Hudda iyo Raxma halkasoo shacab aad u farabadan ay ka soo qaybgaleen dhagaysiga muxaadarada iyadoo labada masiijidba ay aad u buux sameen shacabkuna fadhiyeen tan iyo banaanka wadooyinka soo gala masaajidka .
Shekhu wuxuu kulamo kala duwan laqatay shacabka kudhaqan qabdahar iyo wax garadka cuqasha dhalinyarada waxayna kawadahadleen siddii kor loogu qaadi lahaa ka qayb qaadashada fidinta dacwada islaamka. Waxaa ka muuqatay shacabka iyo masuuliyiinta kala duwan ee sheekha meelkasta oo uu tago ku soo dhawayneysey farxad aad u wayn iyago ku faraxsan booqashada sheekha.
Maalin talada ah 03-04-2014 sheekhu wuxuu ka anbabaxay magalda qabridahare wuxuuna safarkiisu kujiheysnaa dhinaca gobolka Doollo waxayna tageen dagmada Yucub ee katirsan gobolka doollo waxayna kusugnaayeen isaga iyo waftigiisu halkaa shan maalin wuxuuna ku qabtay hal muxaadaro masjidka jamaca ee degmada Yucub.
Sheekha safarkiisii wuu sii watay waxayna gaadhen asaga iyo wafdigii uu hogaminayay magala madaxda gobolka Doollo ee Wardheer 04-04-2014 waxayna ku sugnayeen sheekha iyo waftigiisu halkaa mudo dhan shan malmood isagoo halka ka soo jeediyey muxadarooyin kala duwan oo shacabka ku dhaqan Wardheer ay aad uga fa,iideysteen waxana ka soo qayb galay shacab aad u farabadan.
Inta uu kujirey sheekhu safarkiisa waxaa loosameeyey martiqaadyo aad u kala duwan wuxuuna kula yeeshey kulamo kala duwan wax garadka cuqasha odayasha iyo dhalinyarada kulamo waawayn oo kaladuwan waxayna kaga wada hadleen sidii loo sii anbaqaadi lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa dacwada diinta islaamka.
no images were found
Shekha iyo waftigiisu waxay ka dhaqaaqen magalada wardheer iyagoo tariikhdu markay ahayd 09-04-2014 ku dheelmadeen degmada Gallaadi waxayna kusugnaayen mudo laba maalmood ah waxayna kuqabteen labo muxaadaro masaajidka jamaca ee galladi. Sheekha iyo waftigiisu waxay ugadhaqaaqeen magalada gallaadi dhinaca labiley 10-04-2014 waxayna ku siiqabteen hal muxaadaro .
Mu,asasatu sunnah ee tacliinta iyo dacwada
<alsunnah11@gmail.com>