Nadwo diini ah oo ka socotay Johannesburg oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]

May 11, 2014 - Written by Editor

20140510_155849 - CopyJohannesburg :-Waxaa lagu soo gabagabeeyay caawa 11/05/2014 bacdal makhrib masjidka Imaamu Shaafici ee ku yaala Johannesburg nadwo diini ah oo ay soo qabanqaabiyeen majliska Al-bayaan qaybtiisa dacwada ee gobolka Gauteng , Nadwadaan diiniga ah ayaa waxaa uu cinwaankeedu ahaa Shareecada iyo nolosha.

Nadwadaas oo ahayd tii koowaad ee sanadakaan ayaa waxaa ay furantay maalintii jimcada bacdal maqrib 09/05/2014, waxaana furitaankeeda ka soo qaybgalay odayaasha hoogaanka soomaalida ee Koonfur afrika iyo aqoonyahano. Furitaanka Nadwada ayaa waxaa hadalka furay Sh Maxamed Aadan Abdile oo ah madaxa gudiga dacwada ee gobolka Gauteng oo faahfaahiyay ujeedada laga leeyahay nadwada iyo mudada ay socon doonto, waxaa kale oo uu ka waramay sida loogu baahanyahay nadwaadka noocan oo kala ah.

Nadwadaan diiniga ah ayaa intii ay socotay waxaa laga jeediyey ilaa 4 muxaadaro oo kala ahaa:-

1. Shareecada iyo dhaqaalaha oo uu soo jeediyey Sh.Qaasim Cabdi Hayaan

2. Shareecadda iyo amniga oo uu jeediyey Sh Xuseen C/naasir

3. Shareecadda iyo Akhlaaqda oo uu jeediyey Sh Shariif

4. Shareecadda iyo Midnimada oo uu jeediyey Sh Axmed Xoosh.

Intaas ka dib ayaa markii ay nadwada la soo gabagabeeyey ayaa waxaa ay culimadii nadwada ka qayb qaadanaysa waxaa ay soo saareen bayaan ay kula dardararmayaan Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Koonfur Afrika iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

no images were found

Bayaanka ay culimadu soo saareen ayaa waxaa uu ka koobnaa ilaa 7 qodob waxaan ka mid ahaa:-

1. Culimada waxay dardaarmayaan allah ka cabsi iyo in diinta allah lagu walaaloobo.

2. Culimada waxay u soo jeedinayaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyadda soomaaliyeed ee Koonfur afrika qaybaheeda kala duwan, culimada, odayaasha, dumarka, aqoonyahanka, dhalinyarada, ganacsatada, in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan dantooda Aakhiro iyo aduunyaba.

3. Culimada waxay ugu baaqaayaan bulshada waxbarashada sharciga ah iyo mida casriga ah ayadaa lagu garaa horumar aakhiro iyo mid aduunyaba.

4. Culimada waxay dardaarmayaan in jaaliyadda soomaaliyeed gaar ahaan gobolkan Gauteng ay is caawiyaan iyaga dhexdooda iyagoon isla markaas aan hilmaamaynin walaalahoodii ku noolaa dalkii ay ka yimaadeen.

5. Culimadu waxay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan cid kaste oo ka shaqay nayso danta bulshada ku dhaqan Koonfur afrika.

6. Culimada waxay ka codsanayaan jaaliyada soomaalida in ay ku caawiyaan gudashadooda camalka weyn ee ay dusha u riteen ee ah dacwada ummada soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur afrika.

7. Culimada waxay u dardaarmeen bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur afrika in ay kula noolaadaan dadka ay u yimaadeen si wanaagsan oo ilbaxnimo ku dheehan tahay ayna gaarsiiyaan diinta wanaagsan ee ay xambaarsan yihiin ee islaamka.

Wabillaahi towfiiq
Waxaa diyaariyay
Maxamed aadan cabdile
Madaxa dacwada gobolka Gauteng
Ee golaha albayaan islamic

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online