Buri’ Hamza iyo Mohamed Idris oo ka wadahadlay gargaar bani’aadanimo oo dowladaha Imaaraadka , Sacuudiga iyo Qatar u fidinayaan Soomaaliya.

May 13, 2014 - Written by Editor

DSC05633Mogadishu, May 13, 2014-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga  H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjire  Mohamed Abdalla Idris oo ah Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya , waxaana ay ka wada hadleen isku dubaridida taageero wadamada carbeed ay siiyaan Soomaaliya si looga gudbo dhibaatooyinka bani’aadanimo oo ay ka mid yihiin cuna-yari, biyo la,aan iyo baahi dawo oo ka jirta gobolada kala duwan ee dalka , si gaar ah magaalooyinka iyo deegaanada  laga xoreeyay kooxda nabad diidka

Danjire  Mohamed Abdalla Idris ayaa waxa uu sheegay in Warbixin uu u diray Xoghayaha guud ee Ururka  Jaamacadda Carabta oo loo qeybiyay wadamada kala duwan ee carabta oo ku aadaneed baaqa Jaamacadda Carabta ee gargaaridda dadka Soomaaliyeed , ay ka soo jawaabeen dowladaha Iskutagga Imaaraad-ka Carabta ,Sacuudiga iyo Qatar , iyadoo dowladda Imaaraad-ka ay bixin doonto gargaar toos ah , halka dowladaha Sacuudiga iyo Qatar ay gargaarka Soomaaliya u soo marsiin donaan hey’adahooda gargaarka qaabilsan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga  H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa ammaan iyo bogaadin ujeediyay kaalinta Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aadan Soomaaliya iyo howlaha gargaar ee ay ku deeqayaan Soomaaliya wadamada Imaaraad-ka , Sacuudiga iyo Qatar.

Kulankani ayaa waxaa sidoo kale lagu faaqiday ka mira-dhalinta iyo ka faa’ideysiga  Isku-imaatinka 6-aad ee carabta iyo Shiinaha oo ka furmi doona bisha June Magaalada Beijing ee Caasimadda dalka China oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga lagu cazuumay kaqeybgalkiisa, iyadoo fiira gaar ah la siinayo xiriirka xoogan ee u dhaxeeya dunida carbeed iyo dowladda China.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online