Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo.[Dhagayso]

May 14, 2014 - Written by Editor

BB162(1)Kismaayo:-Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda magaalada Kismaayo iyo qorshaha maamulkiisa ee xoojinta nabadgelyada. Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ay gacan ku siyaan ciidanka maamulka Jubba si loo suga amaanka loogana hortago falalka dilalka iyo qarxinta ah ee ay wadaan kooxda Al-shabaab oo dhowr jeer dilal iyo qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay Al-shabaab koox lunsan oo arxanlaawayaal ah oo dhulka fasaadinaya umadan dhinac ka maraya oo aysan sokeeyo iyo xigaal midna lahayn oo qof walba ay dilayaan shacab iyo maamulba.  Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa kale oo uu xusay in dhawaan la dhisi doono baarlamaankii maamulka KMG ee Jubba , caasimada maamulka Jubba loo rari doono degmada Bu’aale halka magaalada xeebta ah ee Kismaayo ay noqon doonto magaalo ganacsi oo cid walba oo Soomaal ah oo nabadgelo ugu noolaanyso ay ka gacansan karaan.

Ugu danbayntii ayaa  Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe waxaa ka sheekeeyey shirarkii ka dhacay magaalada Kismaayo isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in la hirgeliyo nidaamka Federaalka ah.

Hoos ka Dhagayso shirkii jaraa’id ee uu Kismaayo ku qabtay  Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/7q8c9u2e04/axmedmadoobe.mp3]

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online