Madaxweynaha DFS magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka.
May 19, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidanka qalabka sidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ahaa sarkaal ka tirsanaa hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo xilal kale duwan soo qabtay.
Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah nin aqoon durugsan u leh Xeerarka dowliga ah isagoo ku soo qaatay Master Digree iyasoo sidoo kale dhinac xiriirka caalamiga uu ka diyaari yey PHD.
Xilka cusub ee uu Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Xldhibaano ka tirsan gaolaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mooshin xilka looga qaaday madaxweynaha ay u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka.
A/cawaale
Halgan.net