Buri Hamza oo ka codsaday dowladda Djibouti inay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka iyo tababarida shaqaalaha DFS
May 19, 2014 - Written by EditorMogadishu:-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ambassador Dayib Doubad Robleh oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , iyadoo kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal oo ah mid ku qotoma walaalnimo,saaxiibtinimo iyo derisnimo .
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku tilmaamay shacabka iyo dowladda Djibouti walaal dhiig u huray nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Carta , dadaalka balaaran ee ciidamada Djibouti oo qeyb ka ah howlgalka “AMISOM” ay ugu saldhigeen nabadda iyo deganaanshaha gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.
H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa sheegay in marnaba shacabka Soomaaliyeed aaney iloobi doonin kalgaceylka walaalnimo ee Djibouti oo tusaale u ah xiriirka qotada dheer ee labada shacab u dhaxeeya , waxaana uu ugu yeeray Djibouti “HIIL WALAAL” oo ka qeyb qaadatay tababarida ciidamada milatariga iyo booliska , isagoo ka codsaday dowladda Djibouti inay horseed u noqoto gargaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska dalka marka loo eego howlaha milatari ee ay fuliyaan ciidamada kala jinsiyadaha duwan ee ku jira howgalka nabad ilaalinta “AMISOM” .
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza waxa uu sidoo kale ka codsaday dowladda Djibouti inay ka qeyb qaadato dib u dhiska hey’adaha dowladda , si gaar ah tababarida shaqaalaha kala duwan ee dowladda oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta .
Dhankiisa , Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya danjire Dayib Doubad Robleh ayaa isna ammaanay kaalinta dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay halgankii gobonima-doonka Djibouti , waxa uuna sheegay in dowladiisu ay dib u aas’aastay xeradii tababarka milatariga “LAMA GALAAY” ee ku taala duleedka Magaalada Baladweyn oo ay ka qalin-jabiyeen guutooyin milatari ,halka ay taageero u fidiyeen howlaha cayaaraha kubadda cagta gobolka Hiiraan , isagoo sheegay in dowladda Djibouti oo kaashan doonta hey’ado ay tababar diblomaasiyadeed u furi doonto diblomaasiyiinta Soomaaliya.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda