Sh Maxamed Idirs Aabihii Dacwada ee Koonfur Afrika
May 20, 2014 - Written by EditorWaxay ahayd bishii sagaalaad ee 2006dii waxaan booqasho ku joogay muqdisho anigoo ka imid kismaayo, anigoo ku sugan maalin maalmaha ka mid ah xafiiska dacwada ee jamaacada ictisaamka ee bakaaraha markaa ku yaalay ayaa waxaa la ii sheegay in Sh.Maxamed Idris maanta lagu maqanyahay oo uu ka soo degaayo garoonka Muqdisho oo uu ka imaanayo Koonfur afrika safar dacwo oo uu ku tagay.
Waxayna ahayd markii ugu horaysay ee sheekha uu booqdo Koonfur afrika,runtii waxaan nasiib u helay maalintaa in aan wada qadayno Sheekh Maxamed Idris iyo Sheekh Axmed c/samad, ka dib markii aan wada tukanay duhurkii, ayaan waxaan wada fadhiisanay Ramadaan restaurent oo ku dhex yaalay bakaaraha aad ayaan ugu farxay maxaa yeelay waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan hor fariisto Sh.Maxamed Idriis Axmed, waxaan kale oo nasiib u helay maalinkaa xafiiskii dacwada oo rag badan oo culimo ku sugnaayeen oo u baahi qabay in ay sheekha qaabilaan, waxayna ahayd ayaamihii qiimaha badnaa ee maxkamadaha ay Muqdisho xukumeen.
Salaan ka dib aniga unbay ii nasiib noqtay in sheekha aan wada qadayno oo uu na wehliyay sidaan soo sheegay Sheekh Axmed C/samad oo markaa ahaa kusimaha amiirka ictisaam ee soomaaliya
1. Waxaa maalintaa sheekha uu si kooban noogu sheegay dacwada Koonfur afrika iyo sida uu yahay xaalka shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqnaa markaa Koonfur afrika.
2. Waxaa uu sheekha noo sheegay in uu soo abaabulay dacwadii Koonfur afrika uuna u soo qabtay siminaar masuuliyiinta dacwada iyo muxaadaraad jaaliyadda uu u soo jeediyay.
3. Waxaana uu sheekha noo sheegay in hay,ada albayaan oo markaa jirtay in si rasmi ah in loo shirciyeeyo sheekha uu dardaarmay arintaa oo culimada ay ku guulaysteen.
4. sheekha waxaa uu noo sheegay in Koonfur afrika ay tahay meel u baahan culimada in ay ku noqnoqdaan.
5. Sheekha waxaa kale oo uu noo sheegay maalintaa in soomaalida meesha ay ka gaareen mobilka telefoonka ah uu yahay meel sare, maxaa yeelay waxaan tagay ayuu yiri wadankii ugu hormarsanaa afriko oo dhan, haddane siddan hadda aan nahay Xamar uma ahan mid sahlan mobilka ayuu yiri sheekha.
6. sheekha arintii ugu muhimsaneed ee uu noo sheegay waxay ahayd, waxaa uu yiri nin ka mid ah ragga odayaasha ah oo wadaadada ah ayaa waxaa uu igu yiri markii ay maxkmadaha qabsanaayeen dalka sheekhoow maxkamadaha ma ahaayen kuwa ikhlaas iyo tawaaduc ka muuqdo mise madaxay kor u taagaayeen, sheekha waxa uu yiri su,aashaas aad ayaan ula yaabay iyo sida ninka uu uga fikiraayo saamaynta ay yeelan karto hadii islawayni iyo kibir dadka loo muujiyo.
7. Intaa ka dib sheekh maxamed idriis waxaa uu noqday aabihii dacwada Koonfur afrika asagoo sanad kaste wixii ka danbeeyay 2006dii ku soo laab laabanaayay Koonfur afrika ilaa uu ka abaabulay mutamrkii ugu horeeyay oo sheekha wehli yeen labada sheekh ee caanka ah ee sh. umal iyo sh. shibli, sanadkii 2010kii iyo 2011kii bilowgiisa.
Waxayna jaaliyadda soomaalida ee koofur afriko u aqoonsanyihiin sheekh maxamed idriis aabihii dacwada koofur afriko, ka dib markii uu booqasho dacwadeed ku dhaw 10 jeer uu ku yimid sheekha wax badanna ka abaabulay maraakizta dacwada ee hadda jaaliyada soomaalida iyo muslimka kale ay ku naaloonayaan.
allah sheekha ha barakeeyo iyo culimada kale ee wada dadaalka dacwada ee caalamka oo dhan
W/Q Maxamed Aadan Abdile