Dhagax dhigay waddo laami ah jaamcadda bariga afrika Bosasso.[Masawiro]
May 23, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday 21.05.2004 hoolka shirarka Dr.C/qaadir Maxmed C/lla ee jaamcadda bariga africa xarun teeda magaalada Bosaaso. Xafladaan ayaa u jeedkeedu uu ahaa in la dhagaxdhigo wado laami ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad hal KM waxaana iska kaashaday dhagaxdhiga wadadaas guddiga horumarinta degmada Bosaaso iyo maamulka jaamcadda bariga afrika.
Ugu horayn waxaa ka hadlay xafladda guddoomiyaha jaamacadda bariga Africa Dr. C/risaaq Hiirad Maxamed oo u mahad celiyay dhamaan intii ka qayb qaadatay hergelinta mashruucan. Waxaa kale oo goobta ka hadlay Beder Xabiib oo ku hadlayay board ka jaamacadda iyo Eng. Kawir oo mashruuca ka ahaa consultant isagoo sheegay in mashruucani socondoono haddii alla idmo ugu badnaan ilaa shan asbuuc.
Sidoo kale waxa kelmad wacdi ah madasha ka soo jeediyay ah Sh. Daahir Aw-cabdi isagoo tilmaamay inay noqonkarto waxa lagu bixiyo wadaddaan iyo mashaariicda la midka ah mid sadaqo jaariya ah oo kale. Guddoomiyaha guddiga horumarinta degmada Bosaso Gen. Cali Ismaciil oo ku hadlayay magaca guddiga ayaa ka sheekeeyay taariikhda ay soo martay laamiyaynta deg. Bosaso iyo inay sabab u ahaayeen in lagu dhiirado samaynta laami si maxali ah.
Waxaa kale oo goobta ka hadlay Maxmed Caydiid G/ku xigeenka rugta ganacsiga puntland oo ugu baaqay dhamaan ka soo qaybgalayaasha gaar ahaan ganacsatadu inay ka qayb qaataan dhismaha wadaddaan. Ugu danbayntii waxaa xafladda soo xiray guddoomiyaha gobolka bari C/samad Maxamed Gallan isagoo ballan qaaday inmaamul ahaan kan gobolka iyo kan degmadaba inay qaybtooda ka qaadan doonaan.
no images were found
Goobta waddada laga bilaabayay ayaa iyadana markii shirku dhamaaday waxa lagu sameeyay dhagax dhig lagu daahfurayay bilaabashada dhismaha wadaddada.
Halgan.net