Bayaan uu ka soo saaray Abu Maxamed Al-Maqdasi Kooxda Daacish (Akhriso)
May 27, 2014 - Written by EditorSuuriya:-Abu Maxamed Al-Maqdasii oo ka mid ah wadaada gaaleysiin jiray culumada wax badana Mareegtiisa ugu hiilin jiray Manhajka Takfiirka ayaa haatan aad uga qeylinaya kana cabanaya dilka iyo Gaaleysiinta ay wadaan kooxda Khawaarijta ee Daacish. Bayaan lagu faafiyey Mareegta uu leeyahay Abu Maxamed Al-Maqdasii ayaa waxaa uu aad u qeexay kooxda Daacish waxaana bayaankiisa uu ugu magac daray (بيان حال ” الدولة الإسلامية في العراق والشام ” والموقف الواجب تجاهها).
Bayaanka Abu Maxamed Al-Maqdasi uu ka soo saaray ayaa hordhiciisa waxaa lagu sheegay in wadaadka xiriiro kala duwan uu la sameeyey dhamaan kooxaha Islaamiyiinta waxaana lagu xusay in koox walba uu xiriir la sameeyey Lijaantooda Sharciga si bal la iskugu soo dhaweeyo aragtida kala duwan ee kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya.
Hordhaca Bayaanka ayaa waxaa kale oo lagu xusay in kooxaha Jihaadka u nasab sheegta ay kutubta wadaadka Maqdasi ku dhigaan xeryahooda melatariga inta badan kutubka uu qoray Abu Maxamed Maqdasi uu ka soo qoray Xabsiga gudahiisa! sidaas darteedna uu u diray naseexo iyo talooyin.
Wadaadka Abu Maxamed Maqdasi ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyey madaxda kooxda Daacish xili uu ku xiray yahay xabsi ku yaal dalka Urdun waxaana uu sheegay in kooxda Daacish ay diiday in lagu kala baxo Maxkamad Sharci ah ayna been ka sheegeen hogaanka Al-Qaacida
Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa sheegay in kooxda Daacish ay daadiyeen oo ay baneysteen dhiiga kooxaha kale ee Muslimiinta ah taasna loo hayo cadeymo wuxuuna ku sii adkeeyey in qaar ka mid kooxda Daacish ay qirteen in safkooda ay ku jiraan kuwa xadgudbay oo khawaarij ah wuxuuna yiri.
كما أننا راسلنا بعض مسؤولي الدولة الشرعيين، ولدينا وثائق بهذه المراسلات تظهر تدليسهم ولفهم ودورانهم وافتراءهم على قادة المجاهدين وكذبهم، وغير ذلك مما لا يليق بالمجاهدين الذي يفترض انهم أولى الناس بالقيام بالقسط والشهادة لله بالحق ولو على أنفسهم.
وتعلمون أن تنظيم الدولة قد سفك الدماء المحرمة؛ وهذا موثق، ورفض الإنصياع لقادة المجاهدين ومشايخهم ومبادراتهم ونصائحهم؛ وهذا مشهور معلوم وموثق أيضا، وأن الغلو قد نخر في صفوف بعض أفرادهم بل وشرعييهم، واعترف بعضهم علنا أن في صفوفهم خوارج.
Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Daacish ay noqdeen mushkilad lagu saladay kooxaha mujaahidiinta waxaana ay suuro xumeejeen magacii Jihaadkii iyo Mujaahidiinta wuxuuna yiri,
وتعلمون أن تسلط أمثال هؤلاء على المسلمين في سوريا، وتصدر صوتهم العالي وتكلمهم باسم الجهاد والمجاهدين، وارتدائهم لرداء الدولة الإسلامية واستعمالهم مصطلحاتها قد شوه ويشوه الجهاد والمجاهدين والدولة الاسلامية المنشودة، كما أنه سيصنع تحالفا من الشعوب ضد عموم المجاهدين وسينتج الصحوات، لأن الإنحراف عن شرع الله وعن هدي النبوة سيؤدي إلى الغلو وتسمية الأشياء بغير أسمائها، وسفك الدماء وظلم العباد لا بد أنه سيثمر مثل هذه الشجرة الخبيثة.
Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa sidoo kale ka hadlay fariintii codka ahayd ee uu soo diray Abu Maxamed Al-Cadnaani wuxuuna sheegay in kooxda Daacish ay diiday oo ay ku caasiday madaxdii Al-Qaacida ayna faham daro awgeed ay docwaree meen Jihaadkii ka socday dalka Suuriya.Halkan ka Eeg Daacish oo diiday Talooyinkii wadaadii Qaacida
Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa si cad u sheegay in kooxda Daacish ay tahay koox inxiraaftay oo isku darsatay xadgudub diineed iyo daadinta dhiiga muslimiinta gaar ahaa kuwa Mujaahidiinta wuxuuna ugu baaqay dhamaan kooxaha raacsan Al-Qaacida ee ka jira Suuriya,Yemen ,Soomaaliya in ay ka digtoonaadaan wuxuuna yiri.
فنحن نعلن هنا أن تنظيم الدولة في العراق والشام؛ تنظيم منحرف عن جادة الحق، باغ على المجاهدين، ينحو إلى الغلو، وقد تورط في سفك دماء المعصومين، ومصادرة أموالهم وغنائمهم ومناطقهم التي حرروها من النظام، وقد تسبب في تشويه الجهاد، وشرذمة المجاهدين، وتحويل البندقية من صدور المرتدين والمحاربين إلى صدور المجاهدين والمسلمين .. إلى غير ذلك من انحرافاته الموثقة
Wadaadka Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in Bayaanka uu soo saaray ay ujeedadiisu ay tahay in laga fogaado lagana bari noqdo kooxda Daacish iyo Manhajkeeda ku saleysan quliwiga ee baadida ah wuxuuna yiri.
فهذا البيان هو بمثابة سحب الغطاء الشرعي عن هذا التنظيم العاق لقيادته، وهو بمثابة إعلان للبراءة من نهجه المغالي وسفكه للدماء المعصومة، المشوه للجهاد والمجاهدين، والضال عن سبيل الله لانحرافاته وبغيه وإمتناعه عن حكم الله. وبإنحرافاته وصده عن التحاكم، ورفضه لجيمع المبادرات؛ فهو الذي أضطرنا إلى هذا بعد بذل المناصحة له ومراسلة قادته وشرعييه سرا وعلنا، وبعد أن لم يلتفت إلى نداءات قادته ومشايخ الجهاد وامتنع من النزول إلى التحكيم، فصار ممتنعا عن الشرع وأداء الحقوق إلى أهلها، كما امتنع من قبل عن طاعة قادته، فصار لزاما علينا القول بالحق بعد أن بذلنا ما في وسعنا من أسباب ومحاولات وسعي في إعادته إلى جادة الصواب، فأبى وأصر هو وقيادته وشرعيوه على انحرافاتهم. وصار لزاما على أهل الجهاد التحذير منه، ودعوة المجاهدين إلى مفارقته والانحياز إلى أهل الحق والجهاد الأتقياء الصادقين.
Khilaafka ka dhex aloosan wadaadii Takfiirka iyo Kooxda Daacish ayaa maalinba maalinka ka danbeysa ka sii daraya waxaana iska cad in Manhajka Al-Qaacida iyo Daacish ay isku mid yihiin oo aysan waxba ku kala duwaneyn balse ay kooxda Daacish si rasmi ah u dabaqeyso Manhajkii Al-Qaacida .Daacish Vs Al-Qaacida
Abu Maxamed Al-Maqdasii ayaa waxaa uu caan ku yahay gaaleysiinta culumada waxaana uu leeyahay Mareeg lagu uruursho qoraalada ay qoraan wadaad Takfiirka iyo Manhajka Khawaarijta ka soo biyo cabay waxaana tusaale kuugu filan hadaad dooneyso in aad ogaato Manhajka wadaadka Abu Maxamed Al-Maqdasi in aad akhriso laba risaalo ee uu leeyahay oo la kala yiraahdo الكواشف الجلية في كفر الدولة السعودي, ملّة إبراهيم ودعوة الأنبياء والمرسلين ا .
Abu Maxamed Maqdasi ayaa laftigiisa daaqada lagala baxay waxaana la diiday fatwooyinkiisa wuxuuna intaas ka dib uu qoray laba risaalo oo uu uga digayo gaaleysiinta kooxaha Takfiirka ay iskula soo jeesteen waxaana ka mid ah
( وقفات مع ثمرات الجهاد, الرسالة الثلاثينية في التحذير من الغلو في التكفير) .
Hadii aan wax yar ku xasuusiyo gaaleysiinta Abu Maxamed Al-Maqdasi ee culumada Salafka sida ibnu Baaz ,Sh Cuthaymiin alaha u naxariistee iyo Hay,da Kibaar Culamaa ee Sacuudiga waxaad akhrisaa Risaaladiisa (وقفات مع ثمرات الجهاد) waxaad ku arki doontaa gaaleysiin iyo afxumo aan dhaqan u lahayn qof diin sheeganaya ama huwan magac culumo .
Maalmo ka hor ayaa wadaadka Abu Maxamed Al-Maqdasi waxaa lagu faafiyey twitterka cod uu leeyahay oo laga duubay iska oo ku jira xabsiga wuxuuna leeyahay aniga ma fatwoon in kooxda Daacish ay tahay Khawaarij
Hoos ka Dhageyso Abu Maxamed Al-Maqdasi oo leh ma fatwoon in kooxda Daacish ay tahay Khawaarij.
Bayaanka Abu Maxamed Al-Maqdasi iyo codka lagu faafiyey twitterka ayaa ah kuwa iska horimaanaya balse waxaa cad in codka wadaadka uu horeeyey oo Bayaanka uu danbeeyey Halkaan ka Akhriso Bayaankii Abu Maxamed Al-Maqdasi -بيان-عن-الشيخ-المقدسي-في-بيان-حال-الدولة-الإسلامية-في-العراق-والشام
C/Casiis Maxamed
Fiiro gaar ah wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaajiya
abdiasis1970@gmail.com
Halgan.net