Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]
May 30, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa maanta khudbadii Jimacaha waxaa uu ka jeediye Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Sheekh.Daahir Aw Cabdi ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu uga hadlay Ahmiyadda ay leedahay in diinta Islaamka loo shaqeeyo iyo in la faafiyo , Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa ku tirtirsiiyey dadweynihii khudbada dhagaysayey in dhamaan loo is taago in diinta loo shaqeeyo lana faafiyo arrinkaasna ay ahayd shaqadii loo soo diray Rususha loona baahan yahay in lagu daydo.
Sheekh.Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa uu dadweynihii dhagaysanayey Khudbada uu ku dul akhriyey Axaadiis iyo dhacdooyinkii uu Nabigeena Mohamed NNKH uu ka soo marayey fidinta diinta iyo in haddii ay dadka ka jeestaan arrinkaas uu Alle halaagi doono dad wanaagsan uu ku bedeli doono sidda ku cad Axaadiista Rasuulkeenii Mohamed uu noo sheegay NNKH.
Sheekh.Daahir Aw Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in diinta Islaamka mar walba ay jiri doonaan koox u taagan mar walba oo difaaci doonta oo xaqana cadayn doonta. Dhinaca kale Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa ka sheekeeyey dhagarta lala maagan yahay diinta Islaamka iyo dadka ehelka u ah ee xanbaarsan gaar ahaan culimada balse cid wax ka qaadi karta in aysan jirin Allena uu balan qaaday in diinta Islaamka ay geli doonto guri walba.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Rowada Sh. Daahir Aw Cabdi
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/py7zfwqavt/Khudbada_Jimcaha_Sh.Daahir_30-05-2014.MP3]Halgan.net