Taliyaha ciidanka dalka Sierra Leone oo tegay magaalada Kismaayo
June 2, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaay ee xarunta gobolka jubbada Hoose Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams , safarka taliyahaan ayaan horay loo sii shaacin ayaa waxaa uu u jeedkiisu yahay in Taliyaha ciidanka dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams uu wax ka ogaado xaaladda ciidanka Sierra Leone ee ku sugan Kismaayo.
Warbaahinta AMISOM ayaa waxaa sheegtay in Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams uu ku sugnaan doono magaalada Kismaayo mudo labo cisho ah mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay madaxda maamulka KMG ee Jubba.
Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams ayaa waxaa uu ka yimid dhinac magaalada Muqdisho oo uu soo gaaray shalay isagoo kulamo la qaatady saraakiisha ciidanka shisheeyey ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxaa uu si gaar ah ula kulmay Taliyaha ciidanka AMISOM Gen.Silas Ntigurirwa.
Booqashada uu shalay ku yimid Soomaaliya Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams ayaa waxaa ay noqonaysaa markii ugu horeeyey oo Taliye ama masuul ka tirsan dalka Sierra Leone uu ku yimaado gudaha Soomaaliya ilaa intii Dowladda Sierra Leone ay ciidamo u soo dirtay dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada shisheeyey ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net