Sh.Umal oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood[Video]

June 6, 2014 - Written by Editor

nLaascaanood:-Waxaa Magaalada Laascaanood saaka Safar Dacwadeed ku sooo gaadhey Sh.Umal isagoo ka soo kici tamay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. Sh Umal ayaa waxaa soo dhaweeyey Culimaa’u Diinka Magaaalada, Odayaasha , Garaadda, Ardayda Machadka Alfurqaan ,Iskuulada, Macaahida Shareecadda , Madaxda Maamulka magaalada Laascaanood iyo Qeybo kale oo bulshada ka mid ah.

Shiikhu Waxaa looga Hortagay meel la yiraahdo (Siixowle) oo magaalda Laascaanood u jirta in ka badan 40 Km. iyadoo Shiikha loo soo dhaweeyey Si Waafaqsan Hiddaha iyo Dhaqankii soo Jireenka ahaa ee Soomaliyeeed. Waxaa Shiikha Soo dhaweeyey Shiikh C/Naasir Xaji Axmed, Shiikh.Axmed Maxamed Suleymaan, iyo Culimod Kale oo fara badan.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu Mahad naqey balaaran u jeediyey dhamaan Qeybihii kale duwanaa ee Bulshada ee Soo dhaweeysey , Wuxuuna Amaan Uguna Duceeyey Inuu Alle uga Dhigo Ajar iyo Xasanaaad. Wuxuu Shiikh Maxamed Cabdi Umal Ka Jeediyey Khudbadii Jimcaha , Isagoo Kaga Hadley (Daruuriyaadka Shanta ah ee Diinta oo soo Dejiyey).
Shiikhu Wuxuu Khudbadiisii ku dheeraadey dhibaatada Qaadku uu u Leeyaha Nafta, iyo Ummada Soomaaliyeed ,Shiikhu Wuxuu Hadalkiisa Ku Soo Gabagabeeyey (Hadii Soomaali ay Iska Daaweyso iskana Deyso Qaadka iyo Qabyaalada Aduun weynaha dhamaan cid Gaadhi kartaa inaay Jiri Lahayn).

Shiikh Maxamed Cabdi Umal wuxuu Muxaadarooyin Taxane ah Kaga Geli Doonaa magaalada Laascaanood hadii Alle Idmo- Maalmsaha Soo Socda Masaajida Magaalada gaar ahaan Masjid Jaamaca , Iyo Jaamcada Nugaal University. Wuxuu kaloo Shiikhu Inta Muxaadarooyin U geli Doonaa Ardayda Macaahidda.

no images were found

Hoos ka Daawo sidda loogu soo dhaweeyey Sh Umal magaalada Laascaanood


Halgan.net
Musasat Al-Karam

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online