Sh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culimo ah oo ku sii jeeda magaalada Garoowe

June 9, 2014 - Written by Editor

barbaraGaroowe:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in uu gaaro magalada Garowe xarunta dowladda Puntland. Sh Maxamed Cabdi Umal oo maalmihii la soo dhaafay socdaal dacwadeed ku soo maray Waqooyiga Soomaaiya ayaa xalay waxaa uu soo afmeerat muxaadaraad uu ka waday mudo 3 cisho ah magaaalada Laasaanood ee Gobolka Sool.

Fadiilatu Shiikh Maxamed Cabdi Umal  iyo wafdi culimo ah oo la socday ayaa laga sugayaa magaalada Garoowe oo uu muxaadaraad ka jeedin doono Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe.Culimada , ducaada maamulka Gobolka Nugaal iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa ay Shiikh Umal uga hortagi doonaa saaka duleedka waqooyi ee magalada Garowe halkaas oo soo dhawayn diirran loogu samaynayo wafdiga la socda Shiikh Umal.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Puntland in uu muxaadaraad kale duwan ku qaban doono magaalooyinka waaweyn  iyadoo muxaadaradka Sh Umal ay ka faa’iidaysan doonaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada Puntland.

Safarka Sh Umal ee Garoowe yaan idiin soo gudbin doonaa haddii Alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online