Dowradii dhalinyarada eeMasjidka Alhudaa ee Helsinki oo la soo gabagabeeyay (Masawiro)
June 16, 2014 - Written by EditorFinland:-Waxaa Allaah mahadiis Shalay oo ay taariikhdu ahayd 15.6.2014kii lagu soo gabagabeeyay Masjidka Alhudaa ee Helsinki dowradii iyo mu’tamarkii 4aad ee Horseedka Dhalinyarada oo ah kulan ay ku bahoobeen dhalinyarada Masjidka ee gabdho iyo wiilalba.
Dowradaas waxaa ka qayb qaatay arday tiradoodu gaarayso 160 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba.. Waxaana sannadkan ka soo qaybgalay dowrada culimada kala ah Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil, Sh Dr cali Maxamed Saalax iyo Sh Cabdaraxmaan Abyad.. Dhinaca Finland waxaa dowrada ka qaybqaatay Sh Cabdiwali Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ah imaamka masjidka isla markaana ahaa iskudubaradidaha iyo mushrifka dowrada ,iyo sidoo kale qaar ka mid ah culimada masjidka
Waxaa xafladda furay oo ugu horayn ka hadlay sh Abdirazaak Sugulle Maxamed oo warbixin kooban ka bixiyay qaabkii dowradu u dhacday, inta culimo ka qaybqaadatay, duruusihii baxay iyo ardada imtixaanka u fariisatay. Intaa kadib waxaa kalmad xusuusin ah soo jeediyay Sh Cabdiweli oo xusuusiyay dhalinta in cilmiga barasshadiisa halkaasi laga sii wado iyo sidii ay fasaxa uga faa’iidaysan lahaayeen.
Maxamed Dayib oo ah gudoomiyaha Horseedka dhalinyarada ayaa isaguna ka warbixiyay waxqabadka Horseedka iyo sida ay dowradan u soo qabanqaabiyeen.. Waxaa isna kalmado mahadcelin ah soo jeediyay gudoomiayaha maamulka masjidka Aadan Cabdi Sheekh.. Waxaa kadib la guda galay qaybinta shahaadada ardayda kaalimaha sare galay, waxaana bixiyay Sh Axmed nuur iyo Maxamed Dayib.
no images were found
Ardaydu waxay soo bandhigeen filim gaaban oo ka hadlaya dowrada iyo sidii ay uga faa’iidaysteen cilmi ahaan duruusihii halkaasi ka baxay..
Hoos ka daawo filim gaaban oo ka warbixinaya qaabkii dowradu u dhacday
Masjidka Al-Huda
Finland