Kulankii 3aad ee Ducaada Johannesburg ay la qaateen culimo Sacuudiyaan ah[Masawiro]

June 18, 2014 - Written by Editor

11aadJohannesburg:-Waxaa maanta oo ah Arabaco 18/06/2014 lagu qabtay xarunta albayaan ee Johannesburg kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen ducaada Johannesburg ee dalkan Koofur afriko, kulankan oo ahaa kii saddexaad ee sanadkaan ayaa waxaa lagu martiqaaday Sh.Dr.Cali bin saalix bin Muxamed Al-maxmaadi oo ah hogaamiyaha wafdiga culimada sacuudiga ah ee ku joogay baryahan booqashada dalkan koofur afriko, ahna caalim wayn oo ka mid ah culimada sacuudiga.

Kulanka oo loogu talagalay in ducaada ay maanta ka dhagaystaan naseexo iyo tajrubada sheekh cali almaxmaadi ee fidinta dacwada islaamiga ah ayaa waxaa sheekha ku soo dhaweeyay makarafoonka shariif maxamed oo ka mid ah gudiga dacwada ee gobolka gauteng, intaa ka dib waxaa uu bilaabay sheekha in uu ducaadii u soo koobo naseexo iyo khibradiisa dacwada, ayadoo sheekha uu booqaday meelo badan oo ka mid ah Afriko iyo Yurub uuna u tagay safar dacwo oo u badnaa in uu soo qabto dowraad cilmi ah.

Sheekha waxaa uu ku bilaabay hadalkiisa in ardayga cilmiga sharciga baranaaya iyo daaciga laga doonaayo in uu lahaado cilmi sharci ah oo ku filan iyo aqoon dacwi ah iyo mid tarbawi ahba, waxaana uu soo qaaday in isku kaalmaysiga dacwada iyo ixtiraamka culimada ay yihiin waxyaabaha ugu muhimsan ee laga doonaayo daaciga.

Sh.Dr.Cali bin saalix bin Muxamed Al-maxmaadi ayaa waxaa uu aad u adkeeyay in culimada oo la tuhmo iyo in laga fogaado ku xirnaantooda ay keenayso in lagu dhaco xadgudub xaga diinta sida maanta ka jirto caalamka islaamka badankiisa.

Intaas ka dib waxaa uu sheekha ka jawaabay su,aalo badan oo ku saabsanaa arimo kala duwan oo ay ducaada waydiiyeen, ugu danbaystii sheekha waxaa uu u hor kacay ducaada maktabada cilmiga ee albayaan si uu ugu sharxo ducaada kutubtii taalay maktabka iyo guud ahaan kutubta cilmiga sharciga ah ee lagama maarmaanka ah ama kuwa mudan in la haysto, iyadoo ducaada ay su,aalo ku saabsan kutubta ay sheekha waydiiyeen sheekhana uu ka jawaabay.

 

intaa ka dib waxaa soo gabagabeeyay kulankii sheekh maxamed aadan cabdile oo ku hadlaayay magaca ducaada johannesburg ahna gudoomiyaha gudiga dacwada gobolkan gauteng ee albayaan una mahadnaqay sheekha kulankan qiimaha badan ee uu u ogolaaday in uu la yeesho ducaada iyo naseexoonyinka dhaxal galka ah ee uu u soo gudbiyay.

Sheekh cali bin saalix bin muxamed almaxmaadi intii uu joogay johannesburg waxaa uu qabtay labo dowro oo kala ah usuulu fiqi iyo musadaluxul xadiis ayadoo sheekha uu galay muxaadaraad kala duwan iyo fataawi caam ah, asagoo sheekha ka soo jeediyay duruustiisa masaajida johannesburg iyo pretoria ee hoos imaado majliska albayaan, duruustaas iyo muxadaaradaadkaa waxaa ka faa,iidaystay arday boqolaal ah oo u hamuun qabay cilmiga sharciga.

Sheekh cali waxaa la socday oo asagana duruus jeediyay Sh.axmed bin muxamed alkhayri oo ka mid ah ducaada sacuudiga, sidoo kale sheekh axmed alkhayri waxaa uu goob joog ka ahaa kulankii ducaada ee maanta qabsoomay, waxaa la filayaa hadii uu allah yiraahdo in maalinta jimcada culimada u safraan magaalada Capetown oo aad looga sugaayo.

no images were found

Waxaa diyaariyey

Maxamed Aadab Cabdile

Madaxa Dacwada Al-bayaan ee
Gobolka Gauteng

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online