Golaha Wasiirada Puntland oo ku shiray xarunta Madaxtooyada ee Garoowe[Masawiro]

June 19, 2014 - Written by Editor

IMG_9155Garoowe:-Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa shirkooda caadiga ahaa uu ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, waxana shir guddoominayay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay. Kullanka ayaa warbixino looga dhagaystay Wasiirada qaybtood,sidoo kalana waxaa si guud looga hadlay sugida amaanka iyo siyaasada guud ee dowlada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay Xeerka Hay’adda wadooyinka Puntland PHA (Puntland Highway Authority) kaasi oo qeexaya in Hay’addaasi la soo dagi karto gaadiid, qalab dhisme iyo qaabka loo bixinayo qandaraasyada kuwa Puntland iyo kuwa ajaanibta. Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ayaa waxaa la soo hordhigay siyaasada baahinta maamulka ee Dowalda Puntland.

Waxaana ka mid ahaa siyaasada la soo bandhigay qaabka doorashada golayaasha deegaanka, awoodaha nidaam ee loogu talagalay qorshaynta deegaanka, fidinta maamulka iyo bixinta adeegyada.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-Gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanke
ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online